Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo Ka Qayb Gashay Xuska Maalinta Umulisooyinka Aduunka
Hargeysa – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Samsam Maxamed Saalax, ayaa maanta si rasmi ah uga qayb gashay xuska Maalinta Umulisooyinka Adduunka, oo si weyn looga xusay magaalada Hargeysa.
Xuskan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Kalkaalisooyinka iyo Umulisooyinka Somaliland (Somaliland Nursing and Midwifery Association), ayaa lagu muujiyay doorka lama huraanka ah ee umulisooyinku ku leeyihiin badbaadinta nolosha hooyada iyo dhallaanka, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa sumcadda iyo kaalinta umulisooyinka gudaha dalka.
Marwo Samsam Maxamed Saalax ayaa khudbad ay jeedisay ku bogaadisay umulisooyinka dadaalka iyo daacadnimada ay ku shaqeeyaan, iyada oo xustay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ay si gaar ah u danaynayso horumarinta xirfadda umulisooyinka iyo tayaynta adeegyada ay bixiyaan.
“Umulisooyinku waa tiir-dhexaadka adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Waxay halbowle u yihiin badbaadada nolosha boqollaal hooyo iyo dhallaan ah maalin kasta. Wasaarad ahaan waxaan diyaar u nahay inaan idinla shaqayno, korna u qaadno xirfadiina iyo sharaftiina,” ayey tidhi wasiir ku-xigeenku.
Munaasibadda waxaa sidoo kale ka hadlay masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda, ururada caafimaadka iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood si isku mid ah u bogaadiyay shaqada ay umulisooyinku qabtaan iyo baahida loo qabo in la sii xoojiyo taageerada loo fidiyo.
Xuska Maalinta Umulisooyinka Adduunka ayaa sanad walba la xusaa 5-ta May, waxaana sanadkan diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay in umulisooyinka lagu qalabeeyo agab casri ah, lana siiyo tababarro joogto ah si ay u gaadhaan heerarka adeeg ee caalamiga ah.