Hargeysa – Xuskan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Umulisooyinka iyo Nursing –ka Somaliland ayaa lagu muujiyay doorka lama huraanka ah ee umulisooyinku ku leeyihiin badbaadinta nolosha hooyada iyo dhallaanka, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa sumcadda iyo kaalinta umulisooyinka Somaliland.
Munaasibada oo lagu qabtay magaalada hargeysa ayaa wax ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta caafimaadka, dhakhaatiir, aqoonyahano iyo sidoo kale umulisooyinka dalka.
Xuska Maalinta Umulisooyinka Adduunka ayaa sanad walba la xusaa 5-ta May, waxaana sanadkan diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay in umulisooyinka lagu qalabeeyo agab casri ah, lana siiyo tababarro joogto ah si ay u gaadhaan heerarka adeeg ee caalamiga ah.
Munaasibadda waxa ka hadlay masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda, ururada caafimaadka iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood si isku mid ah u bogaadiyay shaqada ay umulisooyinku qabtaan iyo baahida loo qabo in la sii xoojiyo taageerada loo fidiyo.
Wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta caafimaadka Marwo Sam sam Maxamed Saalax ayaa oo halkaas ka hashay ayaa umulisooyinka dadaalka ku bogaadisay daacadnimada ay ku shaqeeyaan,
“Umulisooyinku waa tiir-dhexaadka adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Waxay halbowle u yihiin badbaadada nolosha boqollaal hooyo iyo dhallaan ah maalin kasta. Wasaarad ahaan waxaan diyaar u nahay inaan idinla shaqayno, korna u qaadno xirfadiina iyo sharaftiina,” ayey tidhi wasiir ku-xigeenku.
Hargeysa – Munaasibada oo ka qabsoontay magaalada hargeysa waxa lagu dooranayey xubnaha boodhka cusub ee ururka Nursing-ka iyo umulisooyinka Somaliland.
Madashan lagu dooranayey boodha cusub wax goob jog ahaa agaasimaha fulinta ee ururka Nursing-ka iyo umulisooyinka Somaliland, xubnaha cusub ee boodhka iyo kuwii hore.
Ugu horeyn waxaa halkaas hadalo ka jeediyey xubnihii hore ee boodhka iyga oo ka war bixiyey waxyaabihii u qabsoomay intii ay ahaayeen boodhka ururka sidoo kale u hambalyeey xubnaha cusub,
Intaa kadib waxa cod gacan taaga lagu doortay xubnaha cusub ee boodhka ururka Nursing-ka iyo umulisooyinka Somaliland.