Tababarkan oo ku saabsanaa nafaqaynta iyo sugnaanta cunta yo naasnuujinta kaas oo loo qabtay umulisooyin ka kala socda afar gobol oo ka mida gobolada waa way nee Somaliland.
Tababarkan waxa iska kaashaday Somaliland Nursing and Midwifery Association “slnma”, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Hayada UNFPA iyo Canadian Association of Midwives, tabarkan ayaa muiimadiisu tahay sidii looga sixi lahaa hooyooyinka uurka leh cuntada ku haboon ee ay cuni lahaayeen wakhtiyada uurka iyo nuujinta.
Ugu horrayn waxaa halkaas ka hadashay Ubaxa Cumar Cabdilaahi oo ku hadlaysay afka ururka SLNMA iyadoo tilmaamtay muhiimada uu barakan u leeyahay umulisooyinka laga soo xulay afartan gobol.
Dhankiisa isna waxaa halkaa ka hadalay isuduwahay wasaradda horuminta caafimaadka ee bogolka Maroodi jeex isaga oo ku bogaadiyey ururka SLNMA tabarkan ay u qabteen umulisooyinka gobolada, isagoo umulisooyinka kula dardaarmay in ay wixii ay ka faa’idaan tababarkan ay uga faa’ideeyaan dadkii ay ka yimaadeen.