Munaasabada xuska Maalinta caalamiga ah ee Umulisooyinka ee 5 May ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa kaas oo ay soo qaban qaabiyey ururka nursing-ka iyo Umulisooyinka somaliland.
Waxaana maalintan si wadar jir ah ugu dabaaldagay Ururka Nursing ka iyo Umulisooyinka Somaliland, Umulisooyinka somaliland, Nurses-ka Haayadaha kala duwan iyo jaamacaddaha, macallimiinta, iyo ardayda kulliyaddaha Umulisooyinka iyo xubnn kamida golaha wasiirada somaliland.
Inta Munaasabada lagu gudajiray waxaa aad looga hadlay kaalinta Umulisooyinka, gaar ahaan Umulisooyinka Somaliland iyo muhiimadda ey bulshada u leeyihiin.



