SLNMA oo Tobabar Siiyay Hawl Wadeenada Caafimaadka ee Gobolada Awdal iyo Salel

SLNMA oo Tobabar Siiyay Hawl Wadeenada Caafimaadka ee Gobolada Awdal iyo Salel

E-mail Print PDF

Tobabarkan oo ku saabsanaa habka nidaamka kala-korinta hooyada iyo dhalaanka ayaa Dugsiga kal kaaliyayaasha ee Jaamcada Camuud xubnahanai la tobabarayay uga socday mudo shan maalmood ah, iyadoo mudadaasi ay ka qayb qaadanayeen 30 xubnood oo ah hawl wadeenada caafimaadka ee Gobolada Awdal iyo Salel kuwaasi oo isugu jiray gabdho iyo Wiilal.

Isla markaana ka kala socday 23 ka mid ah xarumaha hooyada iyo dhalaanka ee loo yaqaan MCH iyo Sadex Hospital , kuwasi oo kala ah Abraar Hospital, Alhayat Hospital, Sh.cisman MCH, Central MCH, Shifo MCH, qorgab MCH, Sh.Ali MCH, Sheed- dheer MCH, oo ahaa gudaha magaalada Boorama iyo Fiqi Adan MCH, Idhanka MCH, Gargaara MCH, Ali xaydh MCH, Gerisa MCH, Baki MCH, Lug-haya MCH, Xariirad MCH, Dila MCH, Saylac MCH, Qol ujeed MCH, A/kadir MCH, Fadhi-gaab MCH, Garbo dadar MCH, Boon MCH, Jidhi MCH, Lawyacado MCH oo ahaa deegaanada ka baxsan magaalada.


 

Waxaana tobabarkan bixinayay Filsan Hussein Yusuf oo ka socotay waaxda tababarada ee SLNMA iyo Dr. Nimco Mumin Daahir oo iyaduna ka socotay waaxda caafimaadka qoyska ee wasaarada caafimaadka , waxaana furitaankii tobabarkan ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socoday xafiiska SLNMA ee gobolka Awdal iyo xafiisyada caafimaadka ee gobolka kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Hasan Farah Hasan Madax xafiiseedka SLNMA ee Gobolka Awdal Maxamed Cumer Yaabe Madaxa barnamijka caafimaadka aasaasiga ah ee gobolka Awdal C/raxmaan Mumin Kaahiye Xog- hayaha SLNMA awdal lregion Dr. Abdirahman Hadi Isu-duwaha wasaarada caafimaadka gobolka Awdal .


 

Waxaana mudadii shanta maalmood ahayd ee uu socday tobabarkani ayaa ka soo qayb galayaasha lagu siiyay casharo isugu jira :

1. Qaab dhismeedka habdhiska taranka ee Ragga iyo Haweenka

2. Faaiidada kala korinta ubadka

3. Kala korinta dabiciga ah

4. Kala korinta casriga ah

5. Caqabadaha kala korinta

6. Hanaanka la talinta kala korinta

7. ka hortaga caabuqa ku imaada hab dhiska taranka

8. sharciyada iyo sifooyinka isticmaalka kala korinta

 

 

 

 

Last Updated on Sunday, 28 June 2015 23:12  

Images

Caafimaadka


ICM Membership