Sodon Xubnood oo Gobolka Sanaag lagu Tobabaray Habka Kala-Korinta Hooyada iyo Dhalaanka

Sodon Xubnood oo Gobolka Sanaag lagu Tobabaray Habka Kala-Korinta Hooyada iyo Dhalaanka

E-mail Print PDF

Tobabarkan oo ku saabsanaa habka nidaamka kala-korinta hooyada iyo dhalaanka ayaa cusbitaalka magaalada Ceerigaabo ka socoday mudo shan maalmood ah, iyadoo mudadaasi ay ka qayb qaadanayeen 30 xubnood oo ah hawl wadeenada caafimaadka ee Gobolka Sanaag iyada oo gudaha magaalada ay ka socdeen Ceerigaabo Hospital, Manhal Hospital, Kulmiye MCH, Barwaaqo MCH, iyo xafiiska caafimaadka gobolka sanaag, sidoo kale hawl wadeenada kale ayaa iyaguna ka socday magaalooyinka Ceel-Afweyn, Xiingalool, Badhan, Gudmo Biyo cas, Huluul, Hadaaftimo, Dhahar, Maydh iyo Yufle.

 

 

 

 

Tobabarkan oo ay bixinayeen Xamda Cali Cabdilaahi oo ka socotay waaxda tobabaada ee SLNMA iyo Xanaan Cawad Axmed oo iyaduna ka socotay waaxda caafimaadka qoyska ee wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa furitaankiisii ay ka soo qayb galeen isla markaana ay hadalao ka jeediyeen madax xafiiseedka SLNMA ee gobolka Sanaag Sahal Ibrahim Cige, Siciid Dholayare madaxa barnaamijka caafimaadka aasaasiga ah ee gobolka Sanaag, Siciid Xasan Maxamed agaasimaha Hospitalka magaalada Ceerigaabo iyo Isu duwaha caafimaadka gobolka Sanaag Dr Axmed Maxamed Jaamac " Caaray" iyagoo dhamaantoodba ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay tobabarkani iyo sida logu baahan yahay in laga faaidaysto isla markaana bulshada loogu adeego oo dib loogu celiyo.

 

Mudadii shanta maalmood ahayd ee uu socday tobabarkani ayaa ka soo qayb galayaasha lagu siiyay casharo isugu jira :

1. Qaab dhismeedka habdhiska taranka ee Ragga iyo Haweenka

2. Faaiidada kala korinta ubadka

3. Kala korinta dabiciga ah

4. Kala korinta casriga ah

5. Caqabadaha kala korinta

6. Hanaanka la talinta kala korinta

7. ka hortaga caabuqa ku imaada hab dhiska taranka

8. sharciyada iyo sifooyinka isticmaalka kala korinta

 

Tobabarkan oo ay maalgalisay Hayada UNFPA isla markaana uu fulinayay ururka SLNMA ayaa ka soo qayb galayaashu ku qaadanayeen duruus ahaan       ( Theory)  isla markaana ay u samaynayeen ficil ahaan ( Practical ) ayaa geba gebadii qalab caafimaad oo loogu talo galay kala korinta hooyada iyo dhalaanka la gudoonsiiyay masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka Sanaag si ay ugu sii faaideeyaan MCH-yada gobolka.

Last Updated on Tuesday, 23 June 2015 20:41  

Images

Caafimaadka


ICM Membership