Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka Gobolka Awdal oo Doortay Hogaan Cusub

Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka Gobolka Awdal oo Doortay Hogaan Cusub

E-mail Print PDF

Kulan ay dhawaan isugu imaadeen xubnaha Kalkaaliyayaasha iyo umulisooyinka ah ee ka hawl gala gobolka Awdal oo ku qabsoomay Xarunta Hospitalka guud ee magaalada Boorame ayay goob joog ka ahayd Agaasimaha Fulinta ee ururka SLNMA Marwo Foosiya Maxamed Ismaciil iyo Hogaankii hore ee xafiiska ururka ee gobolka Awdal

 

Agaasimaha fulinta ee ururka SLNMA Marwo foosiya Maxamed Ismaciil oo ugu horaynba hadal ka jeedisay shirkan ayaa ka hadashay ujeedada laga leeyahay, iyada oo tilmaantay in labada gobol ee Awdal iyo Saaxil ay jecelaystay in ay si gaar ah ugu tagto, iyadoo ka warantay xaalada gobolada kale ee Sool, Sanaag iyo Togdheer oo ay sheegtay in ay iyagu dhexdooda shirkii qabsadeen oo ay hogaan iska dhex doorteen kadibna ay la soo wadaageen xarunta dhexe ee ururka

Marwo Foosiya ayaa ku dheeraatay ahmiyada ay leedahay wada shaqaynta xarunta dhexe iyo xafiisyada gobolada ee ururka SLNMA iyadoo sheegtay in looga baahan yahay in ay wadashaqyn joogto ah yeeshaan oo ay isu xidhnaadaan sida dastuurka ururku uu dhigayona in guddida gobolka ka hawl galaysa la cusboonaysiiyo sadexdii sanno-ba mar, waxaanay intaasi ku dartay in la rabo in la is xogwaraysto sidoo kalena hogaanka xafiiska gobolka dib loo doorto.

 

Intaasi kadib Hogaankii hore u soo hayay maamulka xafiiska ururka ee gobolka Awdal ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha u soo qabsoomay sanadkii dhamaaday ee 2014, waxaanay tilmaameen in ay caawiyeen dadwayne kala duwan oo gobolka ku dhaqan kuwaasi oo la nool xanuunka HIV/AIDS, kuwo naafo ah iyo sidoo kalena gacan ay ka gaysteen hospitalka TB-da ee Boorame iyo Hospitalka degmada Saylac, sidoo kale Hogaankan hore ayaa ka waramay dhinacyada ay rabaan inxarunta dhexe ee ururku uu gacan ka siiyo.

Falan qayn iyo dood muddo saacad iyo dheeraad qaadatay kadib waxa ay xubnihii ururka ee gobolku ay iska dhex doorteen Todoba xubnood oo noqon doona guddida xafiiska gobolka Awdal ee ururka SLNMA iyadoo gudoomiye loo doortay Xasan Faarax Xasan, gudooiye ku xigeena loo doortay Yusur Kaamil Cawaale xoghayena loo doortay Cabdirahman Muumin Iyadoo qasnajiga cusubna uu noqon doono Madina Sahal Wacays Waxa sidoo kale xubno noqon doona Cismaan Yusuf Dugsiiye, Nimco Yusuf Warsame iyo Cabdiraxman Daahir Wacays

Rooda Oo ku hadlaysay afka hogaankii hore ayaa sheegtay in ay soo dhawaynayaan hogaanka cusub ee la doortay iyadoo balan qaaday in iyaguna ay kaalintooda ka qaadan doonaan sii socoshada hawsha xafiiska.

Xasan Faarax Xasan oo isaga loo dooraty gudoomiyaha cusub ayaa u mahadnaqay xirfadlayaasha doortay, Guddidii hore iyo maamulka sare ee ururka SLNMA isagoo ka codsaday xubnihii madasha fadhiyay in ay la shaqeeyaan isla markaana balanqaaday in sanadka soo socda insha allah ay meel fiican gaadhsiin doonaan.

Agaasimaha Fulinta ee ururka SLNMA marwo Foosiya Maxamed Ismaciil oo iyadu soo geb gebaysay ayaa sheegtay in ay sharaf wayn u tahay in ay goobjoog ka ahaato doorashadan hogaankan ururka ee gobolka Awdal iyada oo u mahadnaqday guddidii hore ee hawsha soo waday islamar ahaantaana soo dhawaysay guddida cusub ee la doortay iyadoo u rajaysay in xilkaasi sida uu yahay ay uga soo baxaan.

Geesta kale mar ay lahadalaysay hogaanka la doortay iyo xubnaha ururka ayay kula dardaarantay in ay la imaadaan dedaal iyo isku xidhnaan iyadoo xirfadlayaasha gobolkana kula usoo jeedisay in ay la shaqeeyaan .

Shirkan ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday is afgarad iyadoo dhamaan xubnihii madasha ku sugnaana ay hambaleyeen hogaanka cusub, waxaanay talaabadani ay ka mid tahay dedaalka uu ururku ugu jiro dhismaha xafiis goboleedyo si hufnaan leh u wada hawl maalmeedka gobolada dalka islamarkaana xidhiidh joogto ah la yeesha xarunta dhexe ee magaalada Hargeisa

 

 


 

Last Updated on Tuesday, 03 March 2015 09:07  

Images

Caafimaadka


ICM Membership