Hawl Wadeenada Caafimaadka Gobolada Sool Iyo Sanaag oo SLNMA Tobabar Siiyay

Hawl Wadeenada Caafimaadka Gobolada Sool Iyo Sanaag oo SLNMA Tobabar Siiyay

E-mail Print PDF

Tobabarkan oo ah mid uu ururku bixinayay isla markaana ay ka caawisay hayada Thet ayaa magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool lagu tobabaray hawl wadeeno gaadhaya 19 xubnood oo ka kala socday xarumaha hooyada iyo dhalaanka ee gudaha magaalada iyo xirfadlayaal ka kala socday degaanada ka baxsan magaalada oo ay ka mid yihiin Xudun , Taleex, Boocame, Yigoori,Awr boobays, Saax dheer iyo Kala baydh, kuwaasi oo mudada uu tobabarku socday qaadanayay duruus la xidhiidha Gargaarka degdega ah ee loo fidiyo hooyada iyo dhalaanka ama Emergency obstetric and neonatal care

 

Xubnahan oo tobabarku u socday mudo 10 cisho ah ayaa hanaan theory iyo practical ahba loo siinaayay duruusta ay qaadanayeen iyagoo si hufnaan ah ugu samaynayay isla goobta casharada ay qaadaneyeen taasi oo ururuku u sahlay si ay ugu fududaato marka ay shaqada rasmiga ah qabanayaan.

 

Madax xafiiseedka ururka SLNMA ee gobolka Sool Hinda Saleebaan oo ka soo qayb gallayaasha la hadashay ayaa kula dar daaran tay in ay si wacan u qaataan casharada la siinayo isla markaana ay ku dabaqaan goobihii ay bulshada ugu adeegi jireen

Geesta kale tobabar kale oo kan la mid ah ayaa isagana ururka SLNMA uu ku qabtay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag , kaasi oo lagu tobabaray 21 xubnood oo ka kala socday xarumaha caafimaadka ee magaalda Ceerigaabo iyo tuulooyinka ku xeeran sida Yufle,Gudmo biyo cas, Huluul, Badhan iyo Dhahar kuwaasi oo qaadanayay duruus la xidhiidha Gargaarka degdega ah ee loo fidiyo hooyada iyo dhalaanka ama Emergency obstetric and neonatal care

Isu duwaha caafimaadka ee gobolka Sanaags Dr Axmed Caarey oo isagu tobabarkani ka soo qayb galay furitaankiisii iyo waliba xidhitaankiisiiba ayaa ka hadlay heerka dhimashada hooyada iyo dhalaanka iyo ahmiyada uu u leeyahay tobabarbakani , isagoo sidoo kalena faah faahin ka bixiyay barnaamijka EPHS oo isna dhawaan ka bilaabmi doona gobolka Sanaag.

Tobabaradan oo ururku kalkaaliyayaasha iyo umulisooyinka Somaliland ee SLNMA ka qabtay goboladan oo ay bixinayeen Maxamda Cali Cabdilaahi iyo Filsan Xuseen

 

 

Last Updated on Tuesday, 24 February 2015 07:30  

Images

Caafimaadka


ICM Membership